Venezuela oo cafis guud u samaynaysa maxaabiista siyaasadda iyo xabsi caan ah oo ay xidhayso
Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee Venezuela, Delcy Rodrรญguez, ayaa sheegtay in xukuumaddeedu ay soo bandhigi doonto sharci cafis guud ah oo loogu talagalay inay ka faaโiideeystaan boqolaal maxaabiis siyaasadeed ah. Waxay sheegtay in hindise-sharciyeedka loo gudbin doono Baarlamaanka Qaranka toddobaadka soo socda.
Sharcigu wuxuu soo jeedinayaa in la xiro xabsiga caanka ku ah xadgudubyada ee layiraahdo (El Helicoide) isla markaana loo beddelo xarun isboorti.
Tallaabooyinkan ayaa imanaya afar toddobaad kaddib markii ciidamada Maraykanku ay gacanta ku dhigeen Madaxweyne Nicolas Maduro, isla markaana ay ku dalbadeen in nidaamku hirgeliyo isbeddello siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale.
Dhowr boqol oo maxaabiis ah ayaa horey loo sii daayay. Maraykanka ayaa sheegay in dhammaan maxaabiista Maraykanka ee la ogaa inay ku jireen Venezuela hadda la sii daayay.




