Magaca Trump oo boqolaal jeer lagu arkay faylasha cusub ee Epstein
Magaca Madaxweyne Trump ayaa boqolaal jeer lagu xusay faylasha cusub ee la sii daayay. Hal dukumenti ayaa faahfaahinaya eedeyn isaga la xiriirta oo ka timid khadka xog-ururinta ee FBI-da.
Waaxda Caddaaladda ayaa ku tilmaantay qaar ka mid ah dukumeentiyada inay xambaarsan yihiin eedeymo “aan run ahayn oo kicin iyo buunbuunin ah” oo ka dhan ah madaxweynaha.




