Donald Trump ayaa sheegay in Iiraan ay diayaar u tahay wada hada hadal

Donald Trump ayaa sheegay in Iiraan ay diayaar u tahay wada hada hadal iyo heshiis halkii ay wajihi lahayd tallaabo militari oo uu ka qaado Mareykanku, inkasta oo Tehran ay ku adkeysaneyso in gantaalladeeda iyo nidaamyadeeda difaaca aysan mar kasta ay diyaar yihiin in ay hawlgalaan.

 

Trump Arbacadii ayuu uga digay Tehran in uu talaabo ka qaadayo hadii ay kasoo horjeedsato wada hadal ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka ka dib markii maraakiib badan oo ciidamada badda Mareykanka ah ay u jihaysteen xeebaha dalkaasi.

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in aanay jirin wax wadahadallo ah oo la qorsheeyay in lala yeesho Mareykanka xilligan, laakiin Tehran ay u furan tahay wadahadallo ku salaysan “ixtiraam iyo kalsooni”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker