Israa’iil oo erayo ku qoran calanka Xuutiyiinta la dhex tagtay shirka Golaha Ammaanka
Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa kulan Golaha Ammaanku yeeshay ku soo bandhigay calan uu sheegay in ay Xuutiyiinta Yemen leeyihiin.
War qoraal ah oo uu ku baahiyay bartiisa X, danjire Danny Danon waxaa uu ku sheegay in ujeedka Xuutiyiinta uusan ahayn dagaal ku saleysan dhul iyo xuduud toona ee uu yahay dagaal ku wajahan dalal. “Waxaan si cad ugu sheegay Golaha Ammaanka: Xuutiyiintu uma dagaallamayaan dhul ama xuduudo. Calankoodu ayaa wax walba caddeynaya: Waxaana ku qoran “Geeri ha u sugnaato Maraykanka, geeri ha u sugnaato Israa’iil, naclad ha ku dhacdo Yuhuudda.”
„Tani ma aha iska-caabin; waa nacayb saafi ah”.
Qoraalka ayaa intaasi ku daraya hoggaanka Iiraan uu maalgaliyo argagixisada. Xamaas, Xisbullah, iyo Xuutiyiintu waa natiijo toos ah oo ka dhalatay buu yiri siyaasaddaas rabshadaha ku dhisan. „Waa isla nidaamkaas, isla qaabkaas, isla dhoofinta nacaybka iyo rabshadaha,”


