Daawo: Cabdi Xaashi Oo Shaaciyey in Tallaabo Halis ah Uu Qaaday Farmaajo
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaaji Cabdullaahi oo shir jaraa’id qabtay ayaa ku eedeeyay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu ku dhaqaaqay tallaabo halis ku ah hay’addaha dastuuriga ah.
Wuxuu sheegay in madaxweyuhu si ula kac ah u hor istaagay qoddobo uu ka mid yahay, Xil Gudashada Baarlamaanka Soomaaliyeed oo u xil saaran ayuu yiri dib-u–eegista, Ansixinta iyo Wax ka badalka dastuurka Soomaaliyeed.
Cabdi Xaanshi Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in tallaabada uu madaxweynuhu ku ansixiyay xeerka dib u dhiggaya dib -u-eegista dastuurka aheyn mid ka mid ah awoodihiisa sharciga ah ee uu madaxweynuhu leeyahay.




