Taalibaan oo dal banaysa gargaar bani’aadanimo
Madaxa hay’adda maareynta musiibooyinka ee xukuumadda Taliban ayaa sheegay in gargaarka caalamiga ah oo aan jirin aadii uu “gaabis” ku yimid shaqadooda.
Mullah Nooruddin Turabi ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC ku sheegay in hay’adaha qaar ay ka caga jiidayaan in gargaar la soo mariyo, sababtoo ah dowladdu ma aqoonsana.
Sida uu sheegay Mr. Turabi, waxa ay xukuumadda Taalibaan siisaa miisaaniyad joogto ah iyo mid horumarineed, iyadoo gargaarka bini’aadantina ay bixiyaan hay’adaha gargaarka.
Balse wuxuu sheegay in markii ay hoos u dhaceen deeqaha caalamiga ah, ay hay’adaha gargaarka qaarkood albaabada u laabeen, qaarna ay yareeyeen gargaarkii ay siin jireen.
Madaxa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee Xukuumadda Taalibaan ayaa ku booriyay deeq bixiyayaasha caalamiga ah inaysan isku darin arrimaha siyaasadda iyo gargaarka bini’aadantinimo, isagoo yiri, “Waa inay bixiyaan gargaarkooda, arrimaha siyaasadduna waa meeshooda, kamana hadalno.




