Haweeneey ka war heshay kaamirad lagu qariyay fadhiga suuliga
Haweeney 32 jir ah ayaa sheegtay in ay dareentay “in ay dhibane tahay” ka dib markii ay ka dhex aragtay kamarad toos ah oo qarsoon oo ku jirta suuliga maqaayad Thai ah oo lagu magacaabo Giggling Squid, oo ku taal fagaaraha St Martin ee England, xilli ay ballan la lahayd lamaanaheeda intii u dhaxeysay ciida Christmas-ka iyo sanadka cusub.
Isla markiiba waxay ogeysiisay shaqaalihii maqaayadda.
Haweeneyda oo u shaqaysa hay’adda NHS-ta ayaa heshay kaamiro madow, oo qayb ahaan lagu daboolay warqadda suuliga, oo ku hoos jirta fadhiga musqusha.
Waxay tiri: “Fikirka ah in qofi daawado, meel qaas ah oo dadku ku xaajo gutaan runtii aniga ayaa cabsi galiyay… waxaan filayaa in ay jiraan dad badan oo isticmaalay musqushaas.”
Booliska Leicestershire ayaa lagu wargaliyay maalintii xigtay waxayna qabteen qalabkii.
Saraakiisha ayaa baaray muuqaalada CCTV-ga waxayna la hadleen shaqaalaha si ay u aqoonsadaan tuhmanaha ku lugta leh, iyaga oo uga digay shaqaalaha inay ka feejignaadaan.
Makhaayadda Giggling Squid ayaa sheegtay in shaqaaluhu ay soo sheegeen “wax laga shakiyay” isla markiina ay si buuxda ula shaqeeyaan booliiska.




