Daawo:-Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka War Bixiyey Kulankii Uu La Qaatay Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar.
Tog-wajaale-(OW)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Mustafe Maxamuud Cumar iyo wefti uu hoggaaminayo.
Kulankan oo ka qabsoomay magaaladda xuduudda labada dal ku taalla ee Wajaale, ayuu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ku qaabilay madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mudane Mustafe Maxamuud Cagjar iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminay, waxana uu u gelbiyey dhinaca Waqooyi ee magaalada Wajaale ee gudaha Somaliland, iyada oo kumannaan kamid ah shacabka reer Tog-wajaale ay caleemo qoyan kusoo dhaweeyeen weftiga labada madaxweyne ee magaaladaas kulankoodii ugu horreeyey ku yeeshay. Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Hadalka Madaxweyne Biixi.




