Wiil u geeriyooday dhaawac kasoo gaadhay weerar Libaax-badeed
Wiil yar oo toddobaadkii hore uu ku qaniinyay Libaax-badeed dekedda Sydney ayaa ku geeriyooday isbitaal.
Nico Antic oo 12 sano jir ah ayaa saaxiibadiis la dabaalanayay 18-kii Janaayo markii uu soo weeraray libaax badeed.
“Waxaan ka murugoonaynaa qalbiga oo ay adag tahay inaan idinla wadaagno in wiilkeenna Nico uu geeriyooday,” ayay waalidkiis, Lorena iyo Juan, ku sheegeen bayaan.
Dhacdadan ayaa ahayd mid ka mid ah **afar weerar oo libaax-badeedl** oo lagu soo waramayay inay ka dhaceen xeebaha New South Wales muddo laba maalmood gudaheed ah.




