𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐚𝐚𝐧 𝐜𝐚𝐚𝐝𝐢 𝐚𝐡𝐚𝐲𝐧 𝐢𝐬𝐮𝐠𝐮 𝐲𝐞𝐞𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐬𝐢 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐰𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐲𝐨 𝐧𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐯𝐨𝐬
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo uu wehelinayo Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta shir aan caadi ahayn isugu yeedhay Xubnaha Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland. Shirkan ujeeddadiisu waxa ay ahayd in Madaxweynuhu uu si faahfaahsan uga warbixiyo Shirka Sannadlaha ah ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum – WEF) ee uu kaga qayb galay magaalada Davos ee dalka Switzerland.
Madaxweynuhu waxa uu Golaha Wasiirrada u sheegay in Shirkani uu ahaa kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland abid ka qayb gasho, iyada oo ay madasha joogeen Madaxweyneyaal, hoggaamiyeyaal iyo maal-qabeenno heer Caalami ah, taasi oo Somaliland siisay muuqaal iyo meeqaam Caalami ah heerkii ugu sarreeyey muddo 34 sano ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Golaha Wasiirrada JSL u sheegay in Shirka Davos uu ahaa mid Somaliland ku suntay ka muuqashada fagaaraha Siyaasadda iyo Maalgashiga Caalamiga ah, taasoo Madaxweynaha JSL fursad u siisay in uu madasha ka diro farriimo si dhab ah uga tarjumaya sumcadda, sharafta iyo muuqaalka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan:
1. In Somaliland ay tahay dal u diyaarsan Aqoonsiga bulshada Caalamka,
2. In Somaliland ay tahay dal u furan, diyaarna u ah fursadaha maalgashiga Caalamka,
3. In Somaliland ay tahay dal nabad ah, xasilloon, dimuqraadi ah una qalma in Beesha Caalamku ay si buuxda u ictiraafto.
Madaxweynuhu waxa uu Golaha Wasiirrada JSL u sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay Shirkii Davos ka faa’iiday Xidhiidho muhiim ah oo heer Caalami ah, isaga oo Madaxweynaha iyo wefgigiisu ay si toos ah ula kulmeen siyaasiyiin, maalqabeenno iyo warbaahin saameyn leh oo heer Caalami ah.
Madaxweynuhu waxa uu Golaha u sheegay in muddadii uu ku sugnaa Davos uu Beesha Caalamka si cad ugu iftiimiyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay Qaran bisil oo leh aragti fog, diblomaasiyad miisaan leh, iyo kalsooni buuxda oo ay Beesha Caalamku ku qabi karto xasilloonideeda iyo waxtarka ay u leedahay Gobolka Geeska Afrika iyo Marrin biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Gunaanadkii Shirka aan caadiga ahayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa,uu Golaha Wasiirrada u sheegay innguul Qaran oo istiraatiiji ah ay ka soo hoyatay ka-qaybgalkii Shirka Davos, waxana uu Golaha ku adkeeyay in guulahaas diblomaasiyadeed loo beddelo ficil iyo tallaabooyin wax-ku-ool ah oo xoojinaya Amniga iyo Difaaca Qaranka, ilaalinta midnimada bulshada, korna u qaadaya geeddi-socodka aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu Golaha faray in shacabka Somaliland lagu wacyigeliyo xaaladda cusub ee uu dalku galay, loo fasiro guulaha taariikhiga ah ee ay Somaliland gaadhay iyo arrimaha waaweyn ee soo socda, xag dhaqaale iyo xag horumarba.
Xubnaha Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si mug iyo miisaan leh u bogaadiyey Madaxweynaha JSL, iyaga oo tilmaamay in guulaha Qaran ee taariikhiga ah ee uu ka soo hooyey madasha Davos ay si weyn u xoojinayaan sumcadda, danaha siyaasadeed iyo fursadaha dhaqaale ee Jamhuuriyadda Somaliland ee caalamka.




