Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay dagaalkii ka dahcay jasiiradda Kudhaa.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa bogaadiyey Ciidamada kala duwan ee Jubaland iyo Kumaandooska Danab kaddib guulo waaweyn oo ay ka gaareen maleeshiyaadka Khawaarijta, intii lagu guda jiray howlgallo culus oo ka dhacay deegaanka Kudhaa ee degmada Badhaadhe, Gobolka Jubada Hoose.

Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland aaya burburiyey 10 gaadiid nooca dagaalka ah oo ay Alshabaab u adeegsanayeen weerarrada ay ku dhibaateeyaan shacabka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland.

Qoraal ka soo baxay Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu ahaa mid si wanaagsan loo qorsheeyay, isla markaana lagu fashiliyey damacii cadowga ee ahaa inay dhibaato u geystaan amniga iyo xasilloonida deegaannada Jubaland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker