Dooddayadu waa in Somaliland si dhab ah loo wada yeesho, awood qaybsigeedana la saxo, si Cadaalad ahna loogu sinnaado. ” Xil .Maxamed Abiib

Wakhti kuma xidhna, xilli iyo sannad toona kuma xidhna. Waa dood iyo gar markasta taagan illaa ay saxmayso. Waa dood iyo gar aanaan cidna abaal kaga rabin, cidna aanaan ku colaadinayn, gu’gan maanta ahna aan dhaafi karayn. Waa xaqayagii oo si u kas ah la iskaga dhagomarinayo oo aanaan markan sinaba uga tanaasulayn.
Dooddaasi waxaa qaba dadkayga reer Awdal siday u dhanyihiin yar iyo weyn meel ay joogaan ba. Waana rabitaan sii xoogaysanaya maalinkasta iyo waqti kasta hadaan maanta la dhagaysana keeni kara wax aan qofna u dan ahayn.
Doodani gaamurtay muddo dheer ayaa la iska dhagomarinayay. La furfurayay, isla markaana marwalba laga dhiganayay jid loo maro awoodda iyo xilalka. Dariiqaasi wuu soo dhamaaday. Maanta waxaa u taagan jiil aan gabashada aqoon oo aan akhriyin fartii hore ee shaqayn jirtay. Jiil maalin cad labaatan labaatan ugu dhintay dooddan maalin cad. Jiilkaas inaan codkooda kor u qaado, mar kaste makarafoon u ahaado, isla markaana metelo danahooda iyo himiladooda ah in ay Somaliland xaqooda ka helaan, waa nasiib Illaahay igu simay oo aan diyaar u ahay inaan la dhamaysto ilaa ilbidhiqsiga ugu danbeeya noloshayda.
Aniguna, doodan waxan soo waday taniyo sanadkii 2010, Hortayana waxa waday Dadkale oo ay kamid ahaayen ragii wadankan wax ka dhisay.
Dadka aan dooddan u babac dhigi karin, ama se qalbiga ka raba inaanay meelmarin ama midho dhalin dooddani, waxay ku dedaalayaan marin habaabinta iyo magacyo u raadinta dooddan adag ee xaqa ah.
Waxay idiinku soo dhuuman doonaan magac aqoonyahan, falanqeeye, siyaasi IWM. Waa dad intellectually lazy ah oo aad u aragti gaaban. Waxayna qabsanayaan xadhko aad u jilicsan. Waxay isku dayayaan in ay dooddan abbaarteeda weeciyaan. Magacyo aan qaban u bixiyaan oo ku shaambadeeyaan dood iyo qaddiyad shisheeye ama awrkacsi dano shaqsiyeed laga leeyahay. Kuwaas waa kuwii shalay lahaa “Dhulbahante muxuu sheegi”.
Waa kuwii indhaheenna oo shan ah Laascaanood diray. Kuwa noocaas ah ee doodaha masiiriga ah ku jeesjeesa, wakhtiga oo qudha ayaa wax bara oo macallin u noqda.
Anigu Xildhibaan Maxamad ahaan, waxaan u dhaartay wakiilnimda Dalkeena, dadkeena iyo deegaankayga ee Golaha Wakiilada Somaliland.
Masuuliyaddayda koobaad waa inaan si bilaa hagrasho ah u matalo danohooga goor kasta iyo goob kasta. Kuma shaqeeyo dareen ku dhisan jacayl iyo nacayb ee lagu raali galiyo kolba cida dalka maamusha. Bil caksi, waxaan ku shaqeeyaa dareenka dadka aan matalo iyo wixii aan u arko inuu Adkaynayo Waddajirka iyo Midnimada Shacabka Jamhuuriya Somaliland.
Dadkayguna maanta wuxuu qabaa dood aan meel loo dhaafi karaa jirin, taas oo aan laga yaabin inay qabowdo mooyane inay dhimato, markasta oo ay sii daahdana laga dhaxli maayo waxan dhimasho iyo kala dhimasho ahayn.
Xalka kaliya ay leedahayna, waa in laga wada fadhiisto oo wax la isku ogyahay oo qoran lagaga heshiiya. mana ah dood ku dagaysa Wasiir iyo laba la kordhiyo oo uu magacabo M.wayne markaa Xafiiska joogaa,balse waxay ku dagi heshiis gun iyo baar ah ay galaan Dadka wadankan wadalihi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker