๐–๐ž๐Ÿ๐ญ๐ข ๐๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐๐ก๐š๐ง ๐จ๐จ ๐—๐ข๐ฌ๐›๐ข๐ ๐š ๐Š๐”๐‹๐Œ๐ˆ๐˜๐„ ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐’๐š๐Ÿ๐š๐ซ ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐จ ๐ค๐ฎ ๐ญ๐š๐ ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š ๐๐ž๐ซ๐›๐ž๐ซ๐š

Wefti ballaadhan oo xisbiga KULMIYE ah, ayaa maanta safar shaqo ku tagay magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil.
Weftigan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ay wehelinayaan Guddoomiye ku-xigeennada 1aad iyo 2aad โ€“ Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), Xoghayaha Guud, Afhayeenka xisbiga, qaar ka mid ah xildhibaannada xisbiga ee Golaha Wakiillada iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo hawlo shaqo oo kala duwan u tagay halkaasi.
Weftigu waxay saaka la kulmeen madaxda xisbiga KULMIYE ee Gobolka Saaxil, dhallinyaro reer Berbera ah iyo qaybo ka mid ah bulshada. Sidoo Kalena madaxda xisbigu waxay ka qaybgaleen madal aroos ah oo in badan oo haldoorka bulshada Somaliland ahi ka qaybgaleen oo la isugu meheriyey Siciid Jaamac Cilmi iyo Nafiisa Faysal Maxamed oo ka mid ah dhallinyarada reer Berbera.
Dhinaca kale, weftigu waxay isla galabta ka qaybgali doonaan tartanka ciyaaraha kooxaha kubadda cagta ee ka socda Garoonka Cabdalle Stadium ee Berbera, si ay ugu dhiirrigeliyaan dhallinyarada reer Somaliland ciyaaraha dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker