Trump ayaa sheegay inuusan ka fakareynin nabad maadama aan la siin abaalmarinta nabadda

Raysalwasaaraha UK oo ka hadlay go’aanka madaxweyne Trump ee canshuuraha ayaa sheegay in taasi ay tahay mid ka horjeeda isbahaysigiisa, ayna gabi ahaan “qalad tahay”.

“Ma ahan hab saxan oo lagu xalin karo khilaafka isbahaysiga” ayuu yiri raysalwasaare Keir Starmer oo intaas ku daray in tallaabooyinka ceynkan ah ay waxyeeleyn karaan shaqaalaha Britian, ganacsatada iyo dhaqaalaha dalka.

Wariye Chris Mason, ayaa weydiiyay raysalwasaaraha hadii Britain ay iyadana dhankeeda canshuuro saareyso, waxa uu ku jawaabay raysalwasaaraha, “Cidna dan uguma jirto canshuuro”.

Dagaalka la xiriira mustaqbalka Greenland ayaa caqabad ku ah shirka hoggaamiyayaasha caalamka iyo ganacstada (WEF) ee dhacaya toddobaadkan.

Dhanka kale, madaxweyne Trump ayaa u diray warqad raysalwasaaraha Norway, Jonas Gahr Støre, waxa uuna u sheegay, “Adduunka ma noqonayo ammaan ilaaa aan si buuxda ula wareegno Greenland”.

Wadamada Yurub ayaa ka horjeestay in Mareykanka uu qaato Greenland

Trump wuxuu sidoo kale sheegay in uusan wixii ka hadda ka dambeeya “ka fakareynin nabad” maadama ay Norway “go’aansatay in aysan siin” abaalmarinta Nobel.

Canshuuraha Trump uu ku dhawaaqay ayaa sababay in qiimaha lagu kala iibsado dabahbka iyo qalinka uu gaaro meel sare.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker