Ciidamada ICE oo Minneapolis ku toogtay qof kale

Sarkaal ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka (ICE) ayaa nin ka toogtay lugta magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, halkaas oo sarkaal ka tirsan is ICE uu toddobaadkii hore ku toogtay haweeney.

War qoraal ah oo ay soo saartay Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ayaa lagu sheegay, in saraakiisha federaalka ay markii hore ku daba jireen ninka iyagoo gaari ku eryanaya, sababto la xiriira inuu si sharci darro ah ku joogay Mareykanka isagoo ka yimid Venezuela.

Magaalada Minneapolis ayaa xaqiijisay in ninka la toogtay loo qaaday isbitaal

Sarkaal ka tirsan ICE ayaa sidoo kale loo qaaday isbitaal si kadib dhaawacyo soo gaaray, sida ay sheegtay DHS.

Mas’uuliyiinta magaalada Minneapolis ayaa barta X ku qoray:

“Waannu fahamsannahay in caro jirto. Waxaan dadweynaha ka codsanaynaa inay is dejiyaan.”

Magaalada Minneapolis waxay mar kale dalbanaysaa in ICE ay si degdeg ah uga baxdo magaalada oo ay gobolka ka baxdo,” ayay raaciyeen.

Ninkan ayaa gaarigiisa ka degay, waxaana is qabqabsi dhex maray isaga iyo sarkaal ka tirsan ICE, sida ay sheegtay DHS. Waxay intaas ku dartay in intii uu shilku socday laba qof oo kale ay ka soo baxeen dhisme dabaq ah oo u dhow, waxaana la sheegay inay “weerar ku qaadeen” sarkaalka.

BBC-du si madax-bannaan uma xaqiijin karto waxa lagu faahfaahiyay bayaanka la soo saaray.

Taliyaha booliiska Minneapolis Brian O’Hara ayaa sheegay in FBI-du ay baarayso dhacdada.

“Isagoo ka baqaya naftiisa iyo badqabkiisa maadaama ay saddex qof weerar gaadmo ah ku qaadeen, sarkaalku wuxuu riday rasaas difaac ah,” ayaa lagu yiri bayaanka DHS, iyadoo lagu daray “labada weeraryahanba waa la xiray”.

Isagoo ka jawaabaya toogashadii ugu dambeysay ee ICE, duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey wuxuu ku eedeeyay saraakiisha federaalka inay “abuurayaan fowdo” gobolka oo dhan.

Saraakiisha Waaxda Arrimaha Ammaanka Gudaha Mareykanka ayaa u sheegay warbaahinta CBS News in ilaa 800 oo Ciidamada Ilaalada Xadka ah la geeyay aagga Minneapolis. Waxay dheeraad ku yihiin ilaa 2,000 oo ciidamada federaalka ee ICE oo hore usii joogay halkaas.

Muddooyinkii dambe ayaa walaac laga muujinayay ciidamadan faraha badan ee halkaas lasoo dhoobay, iyadoo lagu andacoonayay inay saameysay bulshada ku nool gobolka ayna absi gelisay.

Lama hubo saameynta ka dhalan karta ciidankan la geeyay gobolka Minnesota.

Dhanka kale, Maamulka Trump ayaa ka laabanaya Sharciga Ilaalinta Ku-meel-gaarka ah (TPS) ee ay heystaan ku dhowaad 2,500 oo muhaajiriin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo qarka u saaran inay waayaan sharcigooda iyo oggolaanshaha shaqada marka ay taariikhdu tahay 17-ka Maarso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker