๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‰๐’๐‹ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐š๐ญ๐š๐๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐€๐ฐ๐๐š๐ฅ.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo galay maalintii 11-aad ee safarkii shaqo ee uu ku joogo magaalada Boorama, ayaa kulan isugu jira Is-xogwaraysi iyo wada-tashi la yeeshay Ganacsatada gobolka Awdal.

Kulankan oo ka qabsoomay Guriga Madaxtooyada ee Boorama ayaa si weyn loogu lafo guray arimo badan oo mudnaan u leh Gobolka Awdal. Kulanka waxa furay Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Mudane Cabdirashiid Xasan Mataan, waxana uu Ganacsatada Gobolka uga mahad naqay sida qiimaha leh ee ay u soo ajiibeen kulanka uu ugu yeedhay Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL oo kulanka ka hadlay ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey xaaladaha guud iyo marxaladda cusub ee uu dalku galay, iyo dedaallada ay Xukumaddu ugu jirto sidii Waddaammo kale looga heli lahaa Ictiraaf buuxa.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa Ganacsatada Gobolka ku bogaadiyey ka qayb qaadashada arrimaha horumarka, iyo sidii ay ganacsatadu Xukuumadda ugala shaqayn lahaayeen arrimaha nabadgelyada magaalada Boorama.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan talooyinka ay soo jeediyeen Ganacsatadu isla markaana ay qaadan doonaan.

Xubno ku hadlay kulanka oo ku hadlayey afka Ganacsatada Gobolka Awdal ayaa Xukumadda SL ku ammaanay dhiirrigelinta Ganacsatada Dalka, iyaga oo halkaasina ka ballan qaaday in ay Xukumadda kala shaqayn doonaan arrimaha horumarka, amniga iyo nabadgelyada.

Kulanka waxa Madaxweyne ku-xigeenka JSL ku wehelinayey Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker