Xukumadda Somaliland oo ka Jawaabtay Duulan ay Somaliya sheegtay inay ku Qaadayso
Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag u cambaareyneysaa hadalladii u dambeeyay ee ka soo yeedhay Dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ku baaqaya faragelin ciidan oo shisheeye oo lagula kaco Somaliland.
Hadalladaasi waxay ka dhigan yihiin kicin halis ah oo masuuliyad-darro ah, isla markaana ah xadgudub cad oo ka dhan ah Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah. Somaliland kuma hoos jirto awoodda Muqdisho. Waxay si sharci ah dib ula soo noqotay madaxbannaanideeda sannadkii 1991, iyadoo ku jirta xuduudihii caalamku aqoonsanaa ee 1960, tan iyo markaasna waxay ilaalinaysay nabad, xasillooni, iyo nidaam dimuqraadi ah.
Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay Dowladda Soomaaliya si buuxda masuul uga dhigaysaa cawaaqibka ka dhalan kara hadalladan kicinta ah, waxayna ugu baaqaysaa saaxiibbada caalamka inay diidaan baaq kasta oo noocaas ah. Sidoo kale, waxay mar kale adkaynaysaa go’aankeeda ku aaddan nabadda, iyadoo ilaalinaysa xaqeeda sharci ee is-difaacidda sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah.





