๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐๐ก ๐ฅ๐ ๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐๐ฒ ๐๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ฆ๐๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ก๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฒโ๐๐๐๐ก๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐-๐๐๐ง๐ง๐๐๐ง ๐๐ ๐๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐๐๐ ๐๐๐.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta kulan ballaadhan la yeeshay Guddoomiyaha Hayโadda Shaqaalaha Dawladda, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hayโadaha Madaxa-bannaan ee Qaranka JSL.
Kulankan waxa diiradda lagu saaray xaaladda cusub ee istiraatijiyadeed, ta-diblomaasiyadeed iyo ta-amni ee uu dalku galay, kaddib Aqoonsigii ay Dawladda Israaโiil si rasmi ah u siisay Jamhuuriyadda Somaliland 26.12.2025-kii.
Madaxweynuhu waxa uu si qoto dheer uga hadlay mas’uuliyadaha, fursadaha iyo xidhiidhada ka dhalanaya aqoonsiga uu dalkeenu helay, iyo isbeddellada waaweyn ee Qaran ahaan inagu soo fool leh. Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in xilligan cusubi innooga baahan yahay Hayโado Qaran oo la jaan-qaadi kara marxaladda cusub ee uu dalku galay oo leh karti, isla-xisaabtan, daahfurnaan iyo hufnaan shaqo.
Madaxweynuhu waxa uu Agaasimeyaasha Guud ee Xukuumadda ku adkeeyey in xoojinta tayada maamulka, dardar-gelinta hawlaha Hayโadaha Qaranka iyo u adeegidda muwaadiniinta JSL ay yihiin tiirarka lagu cabbirayo bisaylka Dawladnimo iyo kalsoonida ay inagu qabi karaan shacabka Somaliland iyo bulshada caalamku.
Madaxweynuhu waxa uu Agaasimeyaasha Guud ee Xukuumadda faray in halbeegooda xagga shaqadu uu ku salaysnaado Caddaalad, Maamul wanaag, Daah-furnaan, Eex iyo Musuq-maasuq la’aan, Sarraynta Sharciga iyo saacadaha shaqada oo sidooda loo guto.
Madaxweynuhu waxa uu Agaasimeyaasha Guud ee Xukuumadda si cad u faray in ay xoojiyaan wada-shaqaynta iyo is-aaminka dhexdooda, yaraynta khilaafaadka maamul, hagaajinta nidaamka shaqada, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo wiiqi kara kalsoonida lagu qabo Qaranka iyo hannaanka Dawladnimada.
Waxa uu sida oo kale ku boorriyey in la dardar-geliyo fulinta waajibaadka Qaran, lana hubiyo in hayโad kastaa ay si buuxda uga jawaabto masuuliyadaha sharci iyo kuwa shaqo ee ay Qaranka JSL uga masuulka yihiin.
Iyaguna dhankooda, Guddoomiyaha Hayโadda Shaqaalaha Dawladda iyo xubno ka mid Agaasimeyaasha Guud ee Hayโadaha Xukuumadda oo kulanka ka hadlay ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland si weyn ugu bogaadiyey guulaha Qaran ee Taariikhiga ah ee uu u soo hooyey Jamhuuriyadda Somaliland muddadii koobnayd ee uu xilka hayey.
Waxa ay si cad u muujiyeen kalsoonida buuxda ee ay ku qabaan hoggaamintiisa iyo jihada cusub ee uu dalkeenu u dhaqaaqay.
Sida oo kale, waxa ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland aad ugu ammaaneen halka uu gaadhsiiyey magaca iyo sharafta Qaranka JSL, iyada oo ay Somaliland noqotay dhacdadii Caalamka ugu hadal-haynta iyo saamaynta badnayd labadii toddobaad ee ugu dambeeyey.
Madaxweynaha waxa kale oo ay si gaar ah ugu bogaadiyeen qaabka la yaabka leh ee uu Madaxweynuhu u xafiday xogaha iyo sirta diblomaasiyadda, muddadii lagu jiray wada hadallada aqoonsiga ee dhex maray Somaliland iyo Israaโiil, taasoo ay sheegeen in ay ka baran doonaan cashar qiimo leh.
Agaasimeyaasha Guud ee Hayโadaha Xukuumaddu waxa ay ballan-qaadeen in ay sii xoojin doonaan shaqada ay u hayaan Qaranka isla markaana ay kor u qaadaadi doonaan hufnaanta xagga maamulka iyo tayada adeegyada lagama maarmaanka u ah nolosha bulshada Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa ay ballanqaadeen gudashada masuuliyadaha shaqo ee ay u xilsaaran yihiin, si waafaqsan himilooyinka Qaranka iyo talooyinka iyo tilmaamaha hoggaamineed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo guul iyo in si qorshaysan, hufan oo masuuliyadi ku dheehan tahay Qaran ahaan looga faaโiidaysto Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo fursadaha istiraatijiyadeed, dhaqaale iyo horumarineed ee la socda.




