๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‰๐’๐‹ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐‚๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฆ๐š๐๐š, ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง๐ฒ๐š๐ก๐š๐ง๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐€๐ฐ๐๐š๐ฅ.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo wali ku guda jira safarkiisii shaqo ee ku joogay Magaalada Boorama ayaa kulan xog waraysi iyo wada tashi ah la yeeshay Culimada, Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada Gobolka Awdal.
Kulankaasi ayaa inta uu socday si weyn looga wada hadlay arrimo kala duwan oo ay ugu horrayso sidii amniga magaalada Boorama iyo guud ahaanba Gobolka Awdal looga wada shaqayn lahaa.
Guddoomiyaha Gobolka Awdal Mudane Cabdirashid Xasan Mataan oo isagu kulankaasi hadalka furay ayaa ka war bixiyey xaaladda guud ee Gobolka iyo dadaallada ay Xukuumaddu ka waddo ee la xidhiidha amniga iyo wada noolaanshaha bulshada Gobolka Awdal.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo kulankaasi ka jeediyey Khudbad dhinacyo badan taabanaysa, ayaa sheegay in Xukumaddu ay mar kasta diyaar u tahay wada tashiga bulshada isaga oo sheegay in ay qaadanayaan talooyinka iyo tilmaamaha ay soo jeediyeen bulshada Gobolka Awdal.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker