𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐥𝐚𝐚𝐝𝐢 𝐉𝐢𝐦𝐜𝐚𝐡𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐚 𝐭𝐮𝐤𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐬𝐣𝐢𝐝 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐨𝐨𝐫𝐚𝐦𝐚.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo wali ku sugan magaalada Borama ayaa maanta Salaadi Jimcaha kula tukaday bulshada Masjid Jaamaca magaalada Borama .
Madaxweyne kuxigeenka JSL oo markii la tukaday Saaladda Jimcaha bulshada halkaas kula hadlay ayaa ugu baaqay in si wada jira ah looga wada shaqeeyo nabadgelyada magaalada waxana uu yidhi:
“Shacab iyo Xukumad ahaan waa in aan ka wada shaqayno amniga magaalada Boorama oo aan iska kaashano sidii meel aan uga soo wada jeesan lahaa cidii caqabad ku noqota.
Dalkeenu muddo badan kaddib waxa uu helay Aqoonsi Caalami ah oo imika hawshu sidii hore way ka culus tahay, kuna bushaareysta waxa soo socda arrimo badan oo aad ku farxi doontaan.
Talada Somaliland iyo go’aankeedu waa mid iyaga u yaalla, wixii danaha Somaliland aynu ka dhex aragno waan soo dhawaynaynaa, mana jirto cid aan fasax uga qaadanayno samiirkayaga. Qolada Xamarna waxa aan leeyahay marna ha ku fikirina in aan idinku soo noqo, Somaliland-na waa la ictiraafay.
Waxa aan baaq nabadeed u dirayaa beelaha walaalaha ee Gadabuursi iyo Ciise oo aan leeyahay Nabad baa naas la nuugo leh, colaadna waxba ma soo kordhisee ee nabada ha laga wada shaqeeyo Ugaas, Salaadiin iyo Cuqaalba..” ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka JSL

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker