𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛-𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐀𝐚𝐬-𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 5 𝐪𝐨𝐟 𝐨𝐨 𝐢𝐬𝐤𝐮 𝐪𝐨𝐲𝐬 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨 𝐝𝐚𝐛
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa galabta ka qayb galay Aas Qaran oo degaanka Halleeya (Bariga Hargeysa) loogu sameeyey 5 qof oo isku qoys ahaa oo 05.01.2026-ka ku geeriyooday masiibo dab ah oo qabsaday gurigii ay ku noolaayeen oo ku yaallay Xaafadda 150-ka.
Madaxweynuhu waxa uu tacsi tiiraanyo leh, murugo leh iyo dareen naf-qaybsi ah u diray Qoyska, Ehelada, Qaraabada iyo dhammaan Qaranka Somaliland, isaga oo sheegay in musiibadani ay tahay mid guud ahaanba gil-gishay quluubta ummadda Somaliland oo dhan.
Madaxweynuhu waxa uu Allah SWT uga baryey in uu marxuumiinta u naxariistii Jannatul Firdowsa Aclaa ka waraabiyo, Qoyskii iyo dhammaanba shacabka Somalilandna uu ka siiyo samir iyo iimaan, isaga oo xusay in Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uu la qaybsanayso murugada iyo xanuunka ka dhashay masiibadan naxdinta leh.




