Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta Dood ka yeeshay Xaalada Waxbarshada ee Dalka.
Fadhigii maanta Golaha Guurtida Somaliland oo uu shirguddoominaayey Guddoomiyaha Golahaasi Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Mudanayaasha Golahaasi waxay
Dooddoodaasi kaga Warbixiyeen sidii dardargalin loogu sameyn lahaa hawlaha Waxbarashada ee Dalka, gaar ahaanna tayeynta Macalimiinta Malcaamadaha Quranka ka hawlgala, isla markaasina, Mudanayaashu waxay ka dalbadeen Waalidiinta dhashey Carruurta dhallaanka ah ee Wadanka u soo kacaya in lagu darro Malcaamadaha Quranka kariimka ah lagu barto, ka hor inta aan Carruurtaasi la qorin Dugsiyada.
Dhinaca kalena, Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland waxay Masuuliyiinta Wasarada Waxbarshada iyo Sayniska Somaliland ka dalbadeen in Siyaasada Waxbarashada Manhajka Dalka lagu soo darro Xiisadda Waddaniyada oo ardayda loogu dhigo Dugsiyada Dalka.
Halka sidoo kalena, Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland waxaa kale oo wasarada Waxbarshada talo ahaan ugu soo jeediyeen qoddob ka mid ahaayeen in kou u qaadis lagu sameeyo Tayada Macalimiinta ka howlgashada Dalka iyo in Masuuliyiinta Wasaradda Waxbarshadda, Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland adeegga Waxbarshada ku fidiyaan Degmooyinka iyo Tuulooyinka Wadanka, si Bulshada reer Miigga ahi u helaan adeeg bixinta Waxbarshada ee wadanka.
Geesta kalena, Guddoomiyaha Guddi hoosaadka Guddida Arrimaha Bulshada Golaha Guurtida Somaliland Xildhibana Axmed Daahir Jirde ayaa Mudanayaasha Golahaasi la wadaagay fariin cabasho ahayd oo Guddida Culimada Sunna Wal-jamaaca soo gaadhsiiyeen Guddidaasi oo Culimaddaasi kaga cabanayeen adeeg bixinta Waxbarshada Diiniga ah,waxaanu Xildhibaanku ka codsadey Shirguddoonkooda in la soo gole joojiyo Masuuliyiinta Wasarada Diinta iyo aw-qaafta Somaliland si Gole weynuhu wax uga weydiiyaan Arrimahaasi.
Gabagabadiina, Mudanayaasha Golahaasi ayaa xukuumada talo ahaan ugu soo jeediyey in si rasmi ah ula wareegaan Dugsiyada gaarka loo leeyahay,si Ardayda loogu dhigo Manhaj isku mid ah, Maalgalina Dawladu u hesho Dugsiyadaasi, si Ardaydaasi loo siiyo Waxbarsho isku mid ah oo Mideysan.




