Hargeysa: Shan Qof Oo ku Geeriyooday Dab
Alle haw Naxariistee Hooyo, Walaasheed iyo Saddex Caruur ah oo ay dhashay Hooyadaasi ayaa saaka ku Geeriyooday Dab ka kacay Hoygii ay ka deganaayeen Magaalada Hargeysa gaar ahaan degmada 26 June, xaafada 150 ka una dhaw Aden Nineteen.
Guriga ay deganaayeen ayaa ahaa Buul, Sidoo kale ay ku hareeraysanaayeen buulaal kale.
Caruurta Geeriyooday ayaa da’doodu ahayd 12 Jir, 7 Jir, iyo 5 jir, dhamaantood na waxay ahaayeen Hablo.




