๐๐ฎ๐ฅ๐๐ง-๐ก๐๐ฐ๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐ ๐ฎ ๐๐๐๐ฅ-๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ง๐๐ฒ๐๐ฒ ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐-๐ก๐๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐ฒ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ฌ๐จ๐จ๐ฆ๐๐ฒ ๐๐จ๐จ๐ฅ๐ค๐ ๐๐ก๐ข๐ซ๐๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐-๐๐ก๐๐ฑ๐ ๐๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland ๐๐. ๐๐๐๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐๐๐ก๐ข ๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐๐๐๐ง, oo ay weheliyaan Wasiiru-dawlaha Wasaaradda ๐๐. ๐๐ฌ๐ฆ๐๐๐๐ข๐ข๐ฅ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐ข๐ข๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐๐๐ก๐ข iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ๐๐. ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐๐ฅ๐๐๐๐๐๐ง, ayaa furay kulan-hawleed muhiimadiisa leh oo ku saabsan ๐ฆ๐๐๐ฅ-๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐-๐ก๐๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐ ๐ฌ๐๐ง๐ง๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐.
Kulankan-hawleedkan oo diiradda lagu saarayey Ansixinta Qorshe-hawleedka ay ku hawlgali doonto wasaaraddu sanadkan bilawga ah ee 2026, intii uu socday kulanku dhammaan Waaxaha kala duwan ee Wasaaradda mid waliba si gaar ah u soo bandhigtay Qorshe-hawleedkeeda 2026, iyaga oo faahfaahiyey yoolalka, hawlaha mudnaanta leh, iyo cabbirrada lagu qiimaynayo waxqabadka.
Sidoo kale, waxa la falanqeeyay sida qorshayaashani uga qayb qaadanayaan kor-u-qaadista dakhliga, tayeynta nidaamka maaliyadeed, iyo hirgelinta maamulka ku salaysan natiijooyinka.
Ugu dambayn, masuuliyiinta Wasaaraddu gaar ahaan Wasiirka oo furay kulanka waxa ay carabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in Qorshe-hawleedka 2026 si wadajir ah loo hirgeliyo, loona hubiyo in dhammaan Waaxyaha Wasaaraddu u shaqeeyaan si isku-xidhnaan iyo iskaashi ka muuqdo, iyada oo lagu saleeynayo hannaanka qorshaynta, dabagalka iyo is qiimayn joogto ah.




