Gudoomiyaha gobolka Gabiley Maxamuud Xassan Saleebaan – Doob ayaa Kulan la qaatey ururka dadka maqalka naafada ah SODA ee gobolka Gabiley.

Kulankaasi oo ay kaga hadlayeen, inay helaan dadka maqalka naafadda ka ahi xafiis u gaar u ah , sidoo kale in la tayeeyo dugsigayada dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo in ay turjumaano ka helaan dugsiyada sare, xafladaha iyo tababarada in ay qayb ka ahaadaan loona diyaariyo turjumaano.
Gudoomiyaha Gobolka Gabiley oo uu weheliyo Xildhibaan Mursal Mohamed Jamac ayaa Ballan qaaday in maamul gobolku ay ka go’an tahay sidii wax Loogu qaban lahaa dadka maqalka naafada ah ee Gobolka Gabiley.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker