𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧-𝐡𝐚𝐰𝐥𝐞𝐞𝐝 𝐋𝐚𝐠𝐮 𝐌𝐞𝐞𝐥-𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐚𝐲𝐞𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐞-𝐡𝐚𝐰𝐥𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟔 𝐀𝐲𝐚𝐚 𝐊𝐚 𝐐𝐚𝐛𝐬𝐨𝐨𝐦𝐚𝐲 𝐇𝐨𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚-𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐄𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland 𝐌𝐝. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐞𝐧, oo ay weheliyaan Wasiiru-dawlaha Wasaaradda 𝐌𝐝. 𝐈𝐬𝐦𝐚𝐚𝐜𝐢𝐢𝐥 𝐌𝐚𝐰𝐥𝐢𝐢𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda 𝐌𝐝. 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐒𝐚𝐥𝐞𝐞𝐛𝐚𝐚𝐧, ayaa furay kulan-hawleed muhiimadiisa leh oo ku saabsan 𝐦𝐞𝐞𝐥-𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐞-𝐡𝐚𝐰𝐥𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐬𝐚𝐧𝐧𝐚𝐝𝐤𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟔.
Kulankan-hawleedkan oo diiradda lagu saarayey Ansixinta Qorshe-hawleedka ay ku hawlgali doonto wasaaraddu sanadkan bilawga ah ee 2026, intii uu socday kulanku dhammaan Waaxaha kala duwan ee Wasaaradda mid waliba si gaar ah u soo bandhigtay Qorshe-hawleedkeeda 2026, iyaga oo faahfaahiyey yoolalka, hawlaha mudnaanta leh, iyo cabbirrada lagu qiimaynayo waxqabadka.
Sidoo kale, waxa la falanqeeyay sida qorshayaashani uga qayb qaadanayaan kor-u-qaadista dakhliga, tayeynta nidaamka maaliyadeed, iyo hirgelinta maamulka ku salaysan natiijooyinka.
Ugu dambayn, masuuliyiinta Wasaaraddu gaar ahaan Wasiirka oo furay kulanka waxa ay carabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in Qorshe-hawleedka 2026 si wadajir ah loo hirgeliyo, loona hubiyo in dhammaan Waaxyaha Wasaaraddu u shaqeeyaan si isku-xidhnaan iyo iskaashi ka muuqdo, iyada oo lagu saleeynayo hannaanka qorshaynta, dabagalka iyo is qiimayn joogto ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker