Madaxweyne ku-xigeenka Isbitaalka weyn ee magaalada Boorama ku booqday dadkii ku dhaawacmay mudaharadaadi
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa Isbitaalka weyn ee magaalada Boorama ku booqday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay mudaharadaadi ka dhacay magaaladaasi bilawgii bishii December ee 2025-ka.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dadkaasi Ilaahay uga baryey in uu caafimaad taam ah siiyo, intii rabshadaha ku dhimatayna uu Janatul Firdawsa ka waraabiyo, Eheladii iyo Qaraabadii ay ka baxeena uu samir iyo iiman ka siiyo.




