Madaxwaynaha Dalka Ugaandha oo Dhaliilay Dadka Cuntada Badan Cuna
Madaxwaynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa si kulul u weeraray dadka Reer Uganda ee Cuntada badan cuna, Waxaanuu Tilmaamay in 40% Bukaanada la dhigo Cisbitaalada dalkaas ay u dhintaan Cuduro la xidhiidha cunto badan oo ay cuneen.
Madaxwaynahan 75-jirka Ah ayaa ku Sugan Deegaano ku yaal galbeedka dalkaas oo uu lug kutegay, isaga oo ku guda jira socod lix maalmood qaadanaya oo uu ku soo marayo deegaanadii uu Halganka ka Bilaabay Markii uu Xukunka Dalkaasi Qabsanayay oo ahayd Sannadkii 1986
Mr Museveni ayaan sanadkii u dambeeyay dadka reer Uganda siinin talo ah in ay la Xidhiidhaan cisbitaalada, waxana uu kula taliyaa in ay socdaan, khamrigana ka fogaadaan.
Waxay ahayd bishii la soo dhaafay markii uu Museveni buurida ama cayilka ku tilmaamay astaan musuqa lagu garto.




