Xasan Sheekh oo Israa’iil ka Baryaya Inay Xidhiidh La Samayso…
Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay Israel u aqoonsan yihiin dawlad jirta oo xubin ka ah Qaramada Midoobay taas oo aanay xidhiidh lahayn Soomaaliya balse ay suurta gal tahay in muddooyinka soo socda ay Soomaaliya xidhiidh la samayso Israel.
Xasan Sheekh ayaa hadalkan ku dhawaaqay xilli uu dagaal kaga jiro aqoonsiga Israel siisay Somaliland iyo weliba xilli xukuumaddiisa iyo taageerayaashiisu ay reer Somaliland ku eedaynayaan in ay xidhiidh la sameeyaan waddan muslimiinta cadaadiya sida ay hadalka u dhigeen.




