Hoyaga madaxweyne Putin oo la weeraray iyo dalal ka falceliyay
Pakistan ayaa cambaareysay weerar lagu qaaday hoyga Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa farriin uu ku qoray bartiisa“X” ku sheegay in xilli ay socdaan dadaallo lagu doonayo in nabad lagu dhex dhigo Ukraine iyo Ruushka, ay tallaabo noocan oo kale ah khatar weyn ku tahay nabadda, amniga iyo xasilloonida.
Shalay, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in Kyiv ay habeen hore weerartay hoyga rasmiga ah ee Madaxweyne Putin ee magaalada Novgorod, waqooyi-galbeed Ruushka, iyadoo adeegsaneysa diyaarado aan duuliye lahayn.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa beeniyay eedeynta Ruushka, wuxuuna ku eedeeyay Moscow inay isku dayeyso inay carqaladeyso wada-hadallada nabadda.
Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ayaa hadalkiisa ku sheegay in Pakistan ay u muujineyso garab istaag madaxweynaha iyo shacabka Ruushka.
Wuxuu caddeeyay in Pakistan ay diidan tahay dhammaan noocyada rabshadaha iyo tallaabo kasta oo khatar ku ah amniga iyo nabadda.
Intii lagu guda jiray booqashadii dhawaan ee Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu ku tegay Mareykanka, Madaxweyne Trump iyo Zelensky ayaa ka wada hadlay qorshe nabadeed oo dib loo eegayo xaaladda si loo soo afjaro dagaalka.
Zelensky ayaa sheegay in Mareykanku uu Ukraine u dammaanad qaaday amni muddo 15 sano ah, halka Trump uu sheegay in heshiiska qodobkaas uu gaaray “ku dhowaad 95 boqolkiiba.”




