Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo Shacabka Somaliland ku Hambalyeeya Aqoonsiga

HAMBALYO, Madaxwaynaha iyo Shacbiga reer Somaliland!
26, December 2025, waa maalin taariikhi ah oo dawladda Israel si rasmi ah dawlad madax bnanaan ugu aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland!
Waxa aan Shacbigayga Jamhuuriyadda Somaliland ugu hambalyaynayaa aqoonsiga caalamiga ah ee ay maanta heleen, kaas oo ah mid u ay qalmaan, muddo dheerna aynnu sugaynnay!
Waa aynnu u mahadnaqaynnaa dawladda Israel iyo shacbigeeda oo innagala qayb qaatay dabbaaldeggan taariikhiga, waxaanu uga mahadcelinaynaa aaminadda ay Israel inoo fidisay, taas oo muujinaysa xidhiidhkeenna saaxiibtinimo ee aynnu la leennahay Israel! Waxaana aan rejaynayaa in aqoonsiga Israel inoo furi doonon albaabbada kale ee dalalka caalamka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker