Taliyaha Ciidanka Qaranka ayaa la kulmay waxgaradka iyo Odayaasha Deegaanka Habaas
Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Sarreeyo Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug oo ay weheliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka oo maalmihii u dambeeyey sugnaa Gobollada Galbeedka, ayaa la kulmay waxgaradka iyo Odayaasha Deegaanka Habaas isaga oo kala hadlay in ay nabadda laga shaqeeyo.
Odayaaasha iyo Waxgaradka Deegaanka Habaas oo ka tirsan Gobolka Selel, ayaa isla qaatay in ay nabadda wada jir uga shaqeeyaan, isla markaana ka fogaadaan waxyaabaha keeni kara isku dhaca.
Dadkii ka qaxay iska horimaad halkaas ka dhacay ayaa dib ugu noqday beerahoodii iyo dhulkii ay deganaayeen.
Labada Beelood ee deegaannadaas wada dega ayaa balanqaaday in ay la shaqaynayaan Ciidanka Qaranka




