Badhasaabka Sool oo ka Hadlay Xildhibaan ka Tirsan Golaha Degaanka oo lagu dilay Laascaanood

Alle ha u naxariistee waxa caawa fiidkii lagu dilay magaalada Laascaanood Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) oo ka tirsanaa golaha deegaanka ee ee degmadaasi, sida waxaa xaqiijiyey Badhasaabka Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe.

Badhasaabku wuxuu sheegay in Alle ha u naxariistee marxuum- Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) lagu dilay gurigiisa hortiisa, waxaanu sheegay inay jiraan dad baadhis lagu wado oo loo xidhay dilkaasi.

Badhasaabka Gobolka Sool wuxuu sheegay inay ciidammada ammaanku hawlgal ballaadhan oo lagu raadinayey ciddii falkaas geysatay.

Badhasaabku wuxuu cambaareeyey dilkaas foosha xun, waxaanu ka tacsiyadeeyey qoyskiisii iyo shacbiga gobolka Sool.

Xildhibaankan ayaa ka mid ahaa Golaha deegaanka ee cusub waxaanu ka soo baxay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker