Xog-dheeri ah oo laga helay ninkii weerarka ka gaystay Jamaacad ku taalla Mareykanka

Eedeysanaha toogashadii ka dhacday Jaamacadda Brown toddobaadkii hore ayaa laga helay isagoo dhintay Salem, New Hampshire, kadib baadi-goob socday lix maalmood oo ku fiday dhowr gobol oo ka tirsan Mareykanka, sida ay booliisku sheegeen.

Waxay aqoonsadeen eedeysanaha inuu yahay Claudio Neves Valente, oo 48 jir ah isla markaana ah muwaadin u dhashay Portugal, oo wax ka bartay Providence, Rhode Island, qiyaastii 25 sano ka hor.

Taliyaha Booliiska Providence, Oscar Perez, ayaa sheegay in caddeymo muuqaal ah iyo xog ay dadweynuhu bixiyeen ay u horseedeen baarayaasha in ay helaan magaca eedeysanaha iyagoo waafajiyay qofkii ay raadinayeen.

Mas’uuliyiintu waxay kaloo sheegeen inay aaminsan yihiin in Valente uu dilay barafasoor ka tirsanaa Machadka Teknolojiyadda Massachusetts laba maalmood kadib toogashadii Dec. 13 ee ka dhacday Brown.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker