Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ka hadlay booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ku tagay dalkaas
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan dalka Itoobiya halkaasi oo u uku tagay booqasho hal maalinta ah sida boggiisa Facebook u uku shaaciyay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Ra’iisul wasaare Abiy ayaa sheegay in ay yeellan doonaan wadahadallo ay ku sii wadayaan kuwii sanadkii hore.Wuxu intaas ku daray in horumar laga gaaray xoojinta iskaashiga labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya.
“Wadahadalladeennu waxay diiradda saareen horumarinta mudnaanta wadajirka ah, waxayna mar kale adkeeyeen ballanqaadkeenna wadaagga ah ee ku aaddan xoojinta iskaashiga, xasilloonida gobolka, iyo horumarinta,” ayuu Abiy ku yiri qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay.




