Qaab-dhismeedka gudoonka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo lagu heshiiyey.
Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland waxaa ka socda kulamo u dhexeeya xubnaha ugu sarreeya ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku midoobeen Puntland, Jubbaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka Muqdisho.
Kulamadii ugu dambeeyey ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa lagu dhammaystiray guddoonka Golaha iyadoo guddoomiye loo doortay Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa loo doortay guddoomiye ku-xiegen halka xogahayaha golaha loo doortay wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhaban-cad.
Shirka ayaa la qorsheeyey in maalinimada berri ah laga soo saaro qodob ku quseeya xaaladda siyaasadeed ee Somaliya, doorashooyinka dalka iyo qaabka ay ku wajahayaan qorshayaasha madaxda dowladda federalka ah ee Somalia.




