Midowga Yurub oo Ukraine u ansixiyey 90 Bilyan oo Yuuro
Hogaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa gaaray heshiis lagu siinayo Ukraine deyn dhan 90 bilyan oo Yuuro ($105 bilyan) ka dib markii ay ku heshiin waayeen isticmaalka hantida Ruushka ee la xayiray.
Heshiiskan oo ay madaxdu sheegeen in uu dabooli doono baahida ciidan iyo dhaqaale ee Ukraine labada sano ee soo socota, ayaa yimid ka dib wadahadalo maalin ka badan ka socday shir madaxeedka Brussels.
“Waxaan sameynay ballanqaad, waanan gaarsiinnay,” madaxweynaha golaha Yurub Antonio Costa ayaa ku qoray barta X isagoo ku dhawaaqayay heshiiska si loo bixiyo deyn ay taageerto miisaaniyada guud ee ururka.
Ruushka ayaa ku eedeeyay hogaamiyayaasha Midowga Yurub “tallaabo sharci darro ah oo ka dhan ah kaydka Ruushka” ka dib markii lagu dhawaaqay heshiiska. Ergeyga Kremlin-ka Kirill Dmitriev, ayaa qoraal uu soo dhigay mareegta X, wuxuu si gaar ah u xusay Ra’iisal Wasaaraha Britain Keir Starmer, Guddoomiyaha Guddiga Yurub Ursula von der Leyen, iyo Ra’iisal Wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz, isagoo yiri: “Dunida oo dhan waxay aragtay inaad ku guuldareysateen in aad dad kale ku khasabtaan inay sharciga jabiyaan”.
Dmitriev waxa uu ku tilmaamay heshiiska mid “dharbaaxo weyn ku ah kuwa dagaalka hurinaya ee ku jira Midowga Yurub”.




