Australia oo ku dhawaaqday qorshe ay dadka kaga iibsanayso qoryaha ay ku hubaysan yihiin
Australia ayaa ku dhawaaqday qorshe ay kaga iibsanayso qoryaha dadka rayidka ah kadib weerarkii xeebta Bondi, oo ahaa toogasho wadareedkii ugu xumaa ee dalkaasi ka dhaca muddo tobanaan sano ah.
Qorshahan ayaa ah kii ugu balaarnaa tan iyo xasuuqii Port Arthur sanadkii 1996, kaas oo lagu dilay 35 qof, kadibna Australia ay soo rogtay sharciyo adag oo lagu xakameynayo hubka.
15 qof ayaa la dilay, tobaneeyo kalena waa ay dhaawacmeen Axadii, ka dib markii labo nin oo hubaysnaa oo la sheegay in ay dhiiri galiyeen fikirka khilaafada Islaamiga ah ay rasaas ku fureen xaflad ay dad Yuhuud ahi ku qabanayeen xeebta caanka ah ee Bondi.
Booliska ayaa sheegay in weerarkan oo lagu tilmaamay mid argagaxiso ay fuliyeen Aabe iyo wiil uu dhalay.
Naveed Akram, oo 24 jir ah, ayaa lagu soo oogay 59 dambi oo ay ku jiraan 15 kiis oo dil ah iyo hal dambi oo ah inuu galay fal argagixiso. Aabihii, Sajid, ayaa lagu dilay dhacdada.
Maalin kadib weerarka, golaha wasiirada waxay isku raaceen in la sii adkeeyo sharciga lahaanshaha hubka.
Ra’iisul Wasaare Anthony Albanese ayaa sheegay in hadda ay jiraan in ka badan afar milyan oo qoryo gudaha Australia, tiradaas oo ka badan tii 1996-kii.




