Nuxurka Qodobada Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada

 

Fadhigii 46-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Fadhigii 46-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada waxa lagaga wada hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen:

๐Ÿ. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdalle Maxamed Carab, isaga oo sheegay in ammaanka guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay mid sugan oo xasiloon, isla markaana aanay jirin wax amni darro ah ama qalalaase nooc kasta oo uu yahayba oo ka jira dhammaan Gobollada dalka. Wasiirku waxa kale oo uu Golaha la wadaagay warbixin guud oo la xidhiidha Safar Shaqo oo isaga, Wasiirrada Gaashaan-Dhigga iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ay ku tageen Gobollada Salel iyo Awdal.

๐Ÿ. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐š๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa Golaha Wasiirrada waxaa war bixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan.

Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay dedaallo weyn gelisay sidii ay u soo bixi lahaayeen Dakhligii lagu Odorosay Miisaaniyadda 2025-ka, taasi oo Dakhligii 11-kii bilood ee ina dhaafay (Jan-November) uu u soo xerooday sidii loo qorsheeyey.

Wasiirku waxa uu warbixin guud ka bixiyey safar shaqo oo ay ku tageen Nairobi si ay uga qayb galaan Shir Sare (High-Level Development Forum) oo ay Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ay ku qabatay magaalada Nairobi, iyaga oo kulano midho-dhal ah la yeeshay Hayyโ€™ado door ah oo Caalami ah oo ay ka mid yihiin Baanka Adduunka iyo Baanka Horumarinta Afrika.

Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu iyada oo kaashanaysa Shirkadda DP World ay ku hawlan tahay dar-dargelinta iyo kor u qaadista isticmaalka iyo adeeg bixinta casriga ah ee Dekedda Berbera ee Ganacsatada iyo Waddammada jaarka ah, gaar ahaan dalka Itoobiya.

๐Ÿ‘. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

Waxaa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi.

Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in Xummadda loo yaqaan Dengue Fever (oo ay dhaliso nooc ka mid ah Kaneecada -Mosquito-) ay ka dillaacday Gobollada Bariga Somaliland, iyada oo ay Wasaaraddu u dirtay kooxo dhakhaatiir ah iyo daawooyin si ay bulshada ugu fidiyaan adeeg caafimaad, talo bixin iyo dawayn.
Dhinaca kale, Wasiirku waxa ka hadlay saamaynta adag ee ay Abaaruhu ku yeesheen adeegyada caafimaadka dalka, gaar ahaan bulshooyinka ku nool deegaanada ay abaaruhu ku dhufteen.

Wasiirka Caafimaadku waxa uu iftiimiyey waxyeellada Abaaraha ee xagga adeegyada caafimaadka bulshada, gaar ahaan Nafaqo-darrada, cabsi laga qabo Xannaanada Faafa iyo Daawooyinka iyo Agabka Caafimaadka oo meelaha qaarkood aad u kooban.

๐Ÿ’. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ข๐ก๐ข๐ข ๐‡๐ž๐ž๐ซ ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐‚๐š๐ซ๐ฐ๐š๐๐š ๐Œ๐š๐œ๐๐š๐ง๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL, Mudane Axmed Jaamac Barre.

Shirweynaha Bandhigga Carwada Macdanta ee (Somaliland Minerals Expo 2025) ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa intii u dhaxaysay 15โ€“16 December 2025, iyada oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 30 dal, Shirkado, Khubaro heer Caalami ah iyo Haldoorka Somaliland.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Somaliland, ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee noociisa ah oo lagu soo bandhigo khayraadka dalka.

Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay War-Murtiyeed iyo Qodobbo (11) ka soo baxay Shirweynaha, qodobadaasi oo ay ka mid yihiin:

1. Joogtaynta Carwadda Macadanta Somaliland Sannad walba.

2. Xoojinta dhaqan galinta Shuruucdda, Siyaasaddaha, Xeerarka la xidhiidha la faaโ€™iidaysiga khayraadka macdanta Somaliland.

3. In la Sameeyo sahan macdaneed oo balaadhan si helo xogta dhabta ah Macdanaha Dalka.

4. Aasaaska Machadka Culuumta Macdanta ee dalka (Establishing National Institute for Mining).

5. In ay Wasaardda Tamarta iyo Macdantu ay ka hawl gasho sidii uu dalku u yeelan lahaa Shaybaadh Caalami ah (International Mining Laboratory Standard).

6. Dhiirrigelinta maalgashiga Macdanta, Gudaha iyo Dibaddaba.

7. In mudnaan gaar ah la siiyo ilaalinta deegaanka, saameynta bulshada, iyo ka-qaybgalka bulshada deegaanka ee mashaariicda macdanta.

๐Ÿ“. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐—๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐š๐๐š ๐—๐จ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‘๐ž๐ž๐ซ ๐Œ๐ข๐ฒ๐ข๐ ๐š:

Waxa Golaha warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga JSL, Mudane Dr. Cumar Shucayb Maxamed

Wasiirku waxa uu faahfaahin ka bixiyey tirada xoolaha la daweeyey (2,791,052); qoysaska ka faaโ€™iidaystay adeegyada daweynta Xoolaha (46,517 oo qoys); Xoolaha caafimaadkooda la hubiyey ee lagu qalay kawaanada dalka (504,543); iyo tirada Xoolaha nool ee dalka ka dhoofay (3,403,170).

Wasiirku waxa uu iftiimiyey saamaynta baโ€™an ee ay Abaaruhu ku yeesheen nolosha iyo dheefta xoolaha, iyaga oo sababay yaraanta daaqa iyo biyaha yaraan, daciifinta caafimaadka xoolaha, hoos u dhaca wax-soo-saarka (caanaha iyo hilibka), iyo khatar sii kordhaysa oo ku timaada nolosha iyo maciishadda qoysaska ku tiirsan xoolaha.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay qabsoomidda Carwada Ganacsiga iyo Wax-soo-saarka Xoolaha ee Heer Qaran oo dhawaan dalka ka qabsoomi doonto taas oo ujeedadeedu tahay kor u qaadista tayada wax-soo-saarka xoolaha, ballaadhinta suuqyada, iyo xoojinta doorka xooluhu ku leeyihiin kobaca dhaqaalaha Qaranka.

๐Ÿ”. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐†๐š๐š๐๐ข๐ข๐๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‰๐ข๐๐š๐๐ค๐š:

Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mudane Maxamed Cabdulmalik Axmed ayaa ka warbixiyey Qorshe Qaran oo lagu yaraynayo shilalka gaadiidka, isaga oo sheegay in la sameeyey daraasaad lagu ogaaday sababaha shilalka keena, lagana soo saaray talooyin wax ku ool ah oo ka kooban 23 qodob. Waxa la magacaabay Guddi Qaran oo ka kooban 14 xubnood si ay u hoggaamiyaan hirgelinta Qorshaha.

Wasiir ku-xigeenku waxa uu xusay in la adkeeyey xeerarka maamulka gaadiidka dawladda iyo shicibka, lana qaban doono Shirweyne Qaran oo la xidhiidha Wadaagayaasha arrimaha Shilalka Gaadiidka oo ay isugu imanayaan Hayโ€™adaha ku hawlan arrimaha shilalka.

Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenku waxa uu sheegay in la diyaariyey Qorshaha 5-ta sano ee Wasaaradda, kaasi oo diiradda saaraya dhimista shilalka gaadiidka, bedbaadada bulshada, wacyigelinta dadweynaha, ilaalinta feyo-qabka Gaadiidka, adkaynta xeerarka iyo habraacyada waddo-marista, dhismaha iyo dayactirka waddooyinka dalka.

๐Ÿ•. ๐–๐š๐ซ-๐ฆ๐ฎ๐ซ๐ญ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐š๐ฑ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‡๐ž๐ž๐ซ ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ƒ๐š๐ซ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š:

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin ka siisay Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, Marwo Milgo Maxamed Cilmi (Sanbalooshe).

Shirweynahan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaraddu ayaa socday muddo 2 cisho ah (16-17/12/2025), ayaa waxa ka soo qayb galay madax sare oo ka tirsan Xukuumadda, Hayโ€™adaha Samafalka ee Caalamiga ah iyo Maxalliga ah, Jaamacadaha dalka iyo daneeyayaasha nidaamka daryeelka bulshada.

Shirka waxa laga soo saaray War-Murtiyeed ka kooban 10 Qodob oo ay ka mid ahaayeen:

1. In sannad kasta 16 ilaa 17 December la qabto Shirweynaha Daryeelka Bulshada

2. In la dardargeliyo dhamaystirka Xeerka Daryeelka Bulshada

3. In la dhiso Nidaamka Diiwaanka Qaranka JSL ee Daryeelka Bulshada

4. In la xoojiyo Qorshaynta, Qiimaynta iyo Kormeerka Barnaamijyada Daryeelka Bulshada

5. In Xukuumaddu ay kordhiso Miisaaniyadda Qaranka ee loo qoondeeyo Daryeelka Bulshada

6. In la xoojiyo habka wada-shaqaynta Hayโ€™adaha Qaranka iyo Ururrada Samafalka

7. In la diyaariyo Qorshe Hawleed Qaran oo la xidhiidha masuuliyadaha iyo doorka Hayโ€™ad kasta kaga aaddan Daryeelka Bulshada

๐Ÿ–. ๐๐š๐ฒ๐›๐ข๐ง๐ญ๐š ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐:

Waxa Golaha warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta, Mudane Xuseen Axmed Caydiid.

Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Siyaasadda Qaran ee Dhulka Somaliland ay ujeedadeedu tahay dejinta nidaam maamul dhuleed oo hufan, ku dhisan caddaalad, isla markaana ka jawaabaya baahiyaha bulshada ee sii kordhaya.

Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in hirgelinta siyaaddan ay horseedi doonto abuurista jawi nabdoon oo ku saabsan maamulka dhulka iyo kobcinta dhaqaalaha Qaranka. Sidaa darteed, waxa uu Xubnaha Golaha Wasiirrada ka codsaday in soo akhriyaan, si mug leh u naaqishaan isla ay ka soo talo bixiyaan Siyaasadda Qaran ee Dhulka Somaliland.

๐Ÿ—. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐ฎ-๐ƒ๐ฎ๐ฐ๐ข๐๐๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š (๐‡๐ข๐ ๐ก-๐‹๐ž๐ฏ๐ž๐ฅ ๐ƒ๐ž๐ฏ๐ž๐ฅ๐จ๐ฉ๐ฆ๐ž๐ง๐ญ ๐‚๐จ๐จ๐ซ๐๐ข๐ง๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐…๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ):

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin ka siisay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL, Marwo Kaltuun Sh Xasan Cabdi.

Shirka (High-Level Development Coordination Forum) oo ahaa mid muhimmad weyn u lahaa Qaranka, waxa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorshaynta, waxana lagu qabtay magaalada Nairobi 9/12/2025. Wasiirka ayaa Golaha u sheegtay in shirkan wajigiisii koowaad ay ka soo qayb galeen Dalal iyo Hayโ€™ado Caalami ah oo badan, halkaasi oo waftigii ka socday Somaliland ay ku soo bandhigeen Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo mudnaanta horumarineed ee dalka JSL, iyaga oo si gaar ah uga war bixiyey xaaladda dhaqaalaha, nabadgelyada, arrimaha biniโ€™aadannimo, iyo horumarinta mashaariicda horumarineed.

Dhinaca kale, Wasiirku waxa ay sheegtay in wajigii labaad ee shirkan, waftiga Somaliland ay kulammo gaar gaar ah la yeesheen Qaramada Midoobay, Dowladda Maraykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Boqortooyada Denmark, Bangiga Adduunka, iyo Sanduuqa Horumarinta Afrika, kuwaasi oo lagaga wada hadlay mashaariicda hadda socda iyo fursadaha iskaashi ee mustaqbalka.

Ugu dambayntii, Wasiirku waxa ay Golaha u sheegtay in Shirkaasi uu ku soo dhammaaday guul iyo is-afgarad, iyada oo dhinacyadu ay ku heshiiyeen xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed iyo dardargelinta horumarinta mashaariicda Somaliland.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker