Ciidanka Booliska oo Digniin u Diray Jabhad lagaga Dhawaaqay Saaxil
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Saaxil ayaa sheegay in muddo 7 cisho loo qabtay dhalinyaro la sheegay inay fuuleen buurta Wagar ee gobolka Saaxil,isaga oo xusay in ay hawshaas u daayeen odayaasha oo dalbaday in ay iyagu xalinayaan.
Taliyuhu waxa uu sheegay in haddii hawshaas mudadaas ku dhamaan waydo la qaadi doono talaabada kale ee xigta ee ay dan moodaan, laakiin dhalinyaradaas anaay ka badnayn 5 ilaa 6 qof.
“Inamada Buurta Wagar galay hawshoodu waa wax la dhamayn karo, odayaashii ayaana yidhi annaga noo daaya oo tii ciidanka dib ayaan u dhignay, waxaana rejenaya in todobaad gudahii hawshaas kusoo dhamaato, haddii ay dhamaan waydona waxaan uga gudbaynayaa talaabadii kale ee dan aan moodno” Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Saaxil Gaashaanle Sare Guutaale




