Nin lagu khalday mid ka mid ah raggii weerarka ka gaystay Australia oo xaalad cabsi ah wajahaya
Nin 30 jir ah oo degan Sydney ayaa sheegay inuusan dareemayn inuu si ammaan ah dibadda ugu bixi karo, kaddib markii lagu khalday magaciisa mid ka mid ah weeraryahanadii Bondi Beach ee lagu faafiyay internet-ka.
Naveed Akram ayaa la wadaaga magac mid ka mid ah ragga eedeysanayaasha ah ee lagu tuhunsan yahay inuu ahaa ninka hubeysnaa, waxaana sawir laga soo qaaday boggiisa Facebook si weyn loogu faafiyay baraha bulshada.
Muuqaal ay baahisay Qunsuliyadda Guud ee Pakistan ee Sydney, Akram wuxuu ku yiri:โQaar ka mid ah akoonnada baraha bulshada waxay sawirradayda ka qaateen boggayga Facebook, waxayna sawirkaas la xiriiriyeen ninka toogashada gaystay.
โWaxaan si cad ugu sheegayaa qof walba in kaas aniga uusan ahayn โ wax shaqo ah kuma lihi dhacdadaas ama maahi qofkaas.
โAad ayaan u walwalsanahay oo u cabsanayaa arrintan, xitaa dibadda si ammaan ah uma bixi karo,โ ayuu yiri.
Qunsuliyaddu waxay intaas ku dartay: โFicilkan wuxuu halis geliyay nolosha muwaadin Pakistani ah oo aan waxba galabsan.โ
Wakaaladda wararka AFP ayaa Akram kula hadashay taleefan, wuxuuna sheegay inuu markii ugu horreysay maqlay in si khaldan loogu aqoonsaday inuu qayb ka ahaa weerarkii dhacay Axaddii shalay,โ
โXalay xitaa ma seexan,โ ayuu yiri. โWaxay burburinaysay sumcaddayda iyo tan qoyskayga. Dadku waxay bilaabeen in ay wacaan qoyskayga. Way walwaleen, waxayna arrintaas u gudbiyeen booliska halkaas jooga.โ




