Wiil yar ayaa ku geeriyooday dab ka kacay Guryo Sandaqado ah oo ku yaalay xaafada Sheedaha

Alle haw Naxariistee Wiil yar ayaa ku geeriyooday dab ka kacay Guryo Sandaqado ah oo ku yaalay xaafada Sheedaha ee degmada Ibraahim Koodbuur ee Magaalada Hargeysa.

Ciidanka Dabdamiska ayaa si degdega ah uga hawlgalay markii la Soo wargeliyay, waxaana Ciidanku Maydkii ka soo saareen guriga, isla markaana damiyeen dabkii ka kacay guryahaas.

Hadaba Ciidanka Dabdamisku wuxuu bulshada uga digayaa inay ku kacaan falal shaqo hor istaag Ciidan ah , iyadoo beryahan la caadeystay in Ciidanka la shiido, dhaawacyana loo geysto, waxaana ka dhalanaya ciqaab iyo xadhig.

Taliyaha Ciidanka Dabdamiska iyo Samatabixinta Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili wuxuu tacsi u dirayaa qoyskii wiilkaa yari ka baxay, Alle badal khayr qaba ha siiyo.

Hadii aad masiibo Dab la kulanto Soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee Ciidanka Dabdamiska iyo Samatabixinta Somaliland ee 990 shirkadaha Telesom Somtel iyo Soltelco.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker