“Waxaan warqad u diray Trump, si uu aqoonsi rasmi ah u siiyo Somaliland’ – Ted Cruz

Ted Cruz oo ah senator ka tirsan Aqalka Saree e Mareykanka oo ka hadlayay gal-dhagaysiga Aqalka Sare ee Guddiga Arrimaha Dibedda u qaabilsan Amniga Badda ee Afrika, ayaa si gaar ah u xusay doorka ay jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ku leedahay ilaalinta Gacanka Cadmeed, la dagaallanka argagixisada, burcad-badeedka, iyo ka hortagga saameynta Shiinaha ee gobolka.

“Somaliland waa saaxiib muhiim ah oo Mareykanku dhanka amniga badda e Afrika ku leeyahay, waxay ku taalaa Gacanta Cadmeed, agagaarka mid kamid ah marinada ugu mashquulka badan ee maraakiibtu isticmaalaan dunida”, ayuu yiri.

Waxaa uu Ted dhanka kale xusay in ciidanka Somaliland ay ka qeyb qaataan howlaha la dagaallanka argagaxisada iyo burcad badeednimada.

“Somaliland waxay si firfircoon uga qeyb qaataan howlaha la dagaallanka argagaxisada iyo burcad badeednimada. Somaliland waxay garab taagan tahay saaxiibadeena oo ay ku jiraan Taiwan iyo Israa’iil, waxayna la jaan qaadaa danaha Mareykanka xili Shiinuhu si xooggan ugu ballaaranayo gobolka”, ayuu yiri.

“Horaantii sanadkan, waxaan warqad u diray madaxweyne Trump, taas oo aan ku boorinayo inuu aqoonsi rasmi ah siiyo Somaliland. Sidii la filayayba, xisbiga Shuuciga ee Shiinaha ayaa si degdeg u cambeerayay warqaddaas, taas oo muujinaysa muhiimadda istiraajiyadeed ee ay Somaliland ku leedahay amniga qaranka ee Mareykanka”, ayuu intaas raaciyay senator Ted Cruz.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker