Austria oo meel marisay sharci aanay jecleysan muslimiinta
Dowladda Austria ayaa meelmarisay sharci mamnuucaya xijaabka in iskuullada ay ku xirtaan gabdhaha da’doodu ka yar tahay 14-sano.
Isbaheysiga uu hogaamiyo muxaafidka ee sadexda xisbi dhexe, ÖVP, SPÖ iyo Neos, ayaa sheegay in sharciga uu yahay go’aan cad oo ku saabsan sinnaanta jinsiga”, laakiin dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in uu sii hurin doono naceybka Muslimiinta ee dalka oo laga yaabo inuu noqdo mid ka hor imaanaya dastuurka.
Xisbiga Green Party ee mucaaradka ah ayaa ka hor yimid sharciga, iyagoo sheegay inuu yahay mid ka hor imanaya dastuurka. Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dhaleeceeyay mamnuucista oo khuseysa dhammaan noocyada Xijaabka iyo indhashareerka haweenka Muslimiinta ah , iyagoo ku tilmaamay mid takooreya bulshada qaar.
Isku day hore oo sanadkii 2019 lagu doonayay in lagu soo rogo mamnuucid xijaabka dugsiyada hoose ayaa horey maxkamadda dastuuriga ah u diiday.




