Waxgarad Ku Nool Dalka Kanada Oo Ka Hadlay Diidmada Mashruuca Banka Wajaale Oo Madax-dhaqameedka Gabiley Qaarkood Ka Hor-yimaaddeen

Ottowa (PWN) – Engineer. Farxaan Sheekh Axmed Nuur oo ka mid ah Waxgaradka gobolka Gabiley ee ku nool Magaalada Ottowa ee dalka Kanada, ayaa ka hadlay go’aan uu sheegay in Madax-dhaqameedka gobolka Gabiley ka gaadheen Mashruuca Xukuumadda Somaliland doonayso in
Shirkadda Pharo ka fuliso banka Wajaale.

Engineer Farxaan Sheekh Axmed Nuur oo hadal uu arrintan kaga hadlayo soo gaadhsiiyey Warbaahinta Arabsiyo News, ayaa sheegay inay taageersan yihiin in Madax-dhaqameedka Gabiley ay go’aan cad oo midaysan ka gaadheen qorshaha Mashruuca banka Wajaale, maaddaama oo sida uu tilmaamay Madax-dhaqameedka Gabiley go’aankaas u gaadheen danta dadka banka Wajaale iyo guud ahaan gobolka Gabiley, isagoo go’aankaa ku hambalyeeyay.
Farxaan wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay hadallo uu tilmaamay inay ka soo yeedheen saddex ka mid ah Cuqaasha Gabiley, kaasi oo ay ku sheegeen in aan loo dhamayn go’aanka Madax-dhaqameedka Gobolku ka gaadheen arrinta Mashruuca Wajaale.

Engineer Farxaan Sheekh Axmed Nuur, oo sheegay inuu hadalkan ku matalayo dadka Gabiley ee ku nool Kanada, ayaa waxa kale oo uu Xukuumadda Somaliland ku eedeeyay inay khiyaamaysay dadka deegaanka Wajaale isla-markaana ay Banka Wajaale si qarsoodiya heshiis ugula gashay Pharo Ventures oo uu xusay inay tahay shirkad ganacsi.
Engineer Farxaan Sheekh Axmed Nuur oo arrimahaa iyo arrimo kale ka hadlayaana wuxuu yidhi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker