Nuxurka Qodobada Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland
Fadhigii 45-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada waxa lagaga wada hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen:
𝟏. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL, Mudane Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac oo ah Xubin ka tirsan Guddida Gurmadka Abaaraha Heer Qaran.
𝟐. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:
Waxa ka war bixiyey Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo)
𝟑. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐤𝐡𝐥𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:
Waxa Golaha Wasiirrada war bixin guud ka siiyey Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdilaahi.
𝟒. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐇𝐞𝐞𝐫 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐃𝐢𝐛-𝐮-𝐡𝐚𝐛𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐠𝐨’𝐚𝐚𝐧𝐧𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐝𝐡𝐚𝐱𝐚𝐥-𝐠𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐚𝐡𝐚𝐚 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲:
Waxa Golaha Wasiirrada war bixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL, Mudane Yoonis Axmed Yoonis
𝟓. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧 𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐱 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐪𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐤𝐚𝐫𝐨 𝐰𝐚𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐱 𝐮 𝐝𝐡𝐢𝐦𝐚𝐲𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐚𝐬𝐢𝐥𝐥𝐨𝐨𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐲𝐨 𝐁𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚:
Waxa Golaha Wasiirrada war bixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda, Mudane Jamaal Maxamed Jaamac.
𝟔. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐲 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐮𝐡𝐮 𝐤𝐮 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐡𝐚𝐛-𝐬𝐚𝐦𝐢-𝐮-𝐬𝐨𝐜𝐨𝐝𝐤𝐚 𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚:
Waxa Golaha Wasiirrada war bixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska JSL, Mudane Professor Ismaaciil Ducaale Yuusuf
𝟕. 𝐓𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫-𝐢𝐬-𝐠𝐚𝐚𝐝𝐡𝐬𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐢𝐝𝐚𝐛𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚
Waxa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane Khadar Xuseen Cabdi.
𝟖. 𝐃𝐨𝐨𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐛𝐲𝐨-𝐪𝐨𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐗𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 (𝐒𝐡𝐢𝐧𝐧𝐢𝐝𝐚) 𝐁𝐞𝐞𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐒𝐋:
Waxa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda, Mudane Cali Baashe Maxamed iyo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, Mudane Maxamuud Cige Yuusuf.
Dood iyo falanqayn kaddib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu ka codsaday Xubnaha Golaha Wasiirrada ee goob-jooga ahaa Fadhiga 45-aad (36 xubnood) in loo codeeyo Xeerkan, taasi oo si aan loo kala hadhin loog codeeyey Xeerka, iyada oo aanay jirin cid diiday ama ka aamustay Xeerka Abuurka Beeraha.
Xeerkan ayaa ahaa kii 8-aad ee ay ansixiyaan Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ee JSL muddada ay xilka haysay.




