Xoghayaha Guud ee Xisbiga wadani oo si Qoro dheer uga hadlay Shirka Beelaha Garxajis Iyo Habar Jeclo ee La Iclaamiyay

Hargaysa (OWN) Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Md Khadar Xuseen Cabdi ayaa soo dhaweeyay shirka muddooyinkii
u dambeeyay la hadal hayay ee bulshooyinka Burco aayahooda kaga arrinsanayaan waxaanu tilmaamay in dadka saska ka qaba shirkaasi yihiin kuwo aan ka talinayn maslaxadda reer Burco.

TV-ga Horn Cable Ayaa waxka waydiiyay arintaas Xoghayaha Guud ee Xisbiga Wadani md Khadar wax ka waydiiyay shirka ujeedkiisa lagu sheegay isu soo dhawaynta bulshada reer Burco “Aniga shakhsi ahaan iyo xisbi ahaan ba waxa aanu qabnaa in ay wax wanaagsan tahay in dadka degaanka Burco isu yimaaddaan oo shiraan, in ay ka sheekaystaan duruufaha ku gadaaman.

Gobolka Togdheer guud ahaan duruufo badan baa ku gadaaman; shaqo la’aantu way ka sarraysa haddii aad Hargeysa barbar dhigto,

sinnaan la’aanta dhaqaale ee gobolladu runtii aad bay u koraysa oo u faro badan tahay, marka dadka reer Burco haddii ay isu yimaaddaan oo is waraystaan oo maxaa gobolkoodii ka khaldan ee dib u dhac ku jira eegaan, kaabeyaashii dhaqaalaha waxa aynu ognahay in Madaarkii Burco xidhan yahay, waxaynu ognahay dakhliga gobollada ee miisaaniyadda Somaliland ee hadda lagu shaqeeyo uu 1% wax ka yar uu gobolka Togdheer yahay marka in ay su’aalahaa is waydiiyaan oo yidhaahdaan ‘ inaga oo reer Burco ah sidee baynu dantii Burco u raadina?’ anagu waxaanu u aragna in ay sax tahay oo aanay dhib ahayn,” ayuu yidhi xoghaye Khadar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker