๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐š๐ฒ๐š๐š ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐€๐ฃ๐š๐ง๐๐š๐ก๐š ๐Š๐š๐ฅ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ๐Ÿ‘๐š๐š๐, ๐ฌ๐ข๐๐๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐ž๐ž ๐ƒ๐จ๐จ๐๐š ๐Š๐š ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐€๐ฐ๐๐š๐ฅ.

Hargeysa, 06 December 2025 Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa saaka si rasmi ah u furmay, waxaana fadhiga guddoomiyay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Md. Siciid Mire Faarax (Giire). Fadhiga maanta waxa lagu ansixiyay Ajandaha Kalfadhiga 13aad ee Golaha, kaas oo noqon doona jadwalkii shaqo ee Golaha.
Sidoo kale, Golaha Wakiilladu waxa ay yeesheen dood iyo falanqayn ku saabsan arrinta ka soo cusboonaatay Gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama. Xubnaha Golaha ayaa mid-mid uga hadlay xaaladda taagan, iyaga oo muujiyay sida ay Golaha uga goโ€™an tahay ilaalinta nabadda, kala dambaynta, iyo wadajirka qaranka.
Ugu dambayn, Golaha Wakiilladu waxa ay ka soo saareen Goโ€™aan Gole arrinta ku saabsan Gobolka Awdal, kaas oo diiradda saaraya ilaalinta amniga, xoojinta wada-hadalka, iyo in hayโ€™adaha ku shaqada leh ay qaadaan talaabooyinka ku habboon ee lagu xallinayo tabashooyinka jira.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker