Kenya oo Mareykanka la gashay heshiis lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka

Dowladaha Mareykanka iyo Kenya ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo madaxweynaha Kenya ku tilmaamay mid taariikhi ah.

Madaxweynaha Kenya William Ruto, ayaa sheegay in heshiiskan uu muujinayo xoojinta muhiimka ah ee ballan-qaadkiisa ku aaddan hirgelinta caymiska caafimaadka guud. Mr Ruto ayaa yiri: „Heshiiskan wuxuu mudnaanta siinayaa keenista qalab casri ah oo caafimaad oo lagu xoojinayo isbitaalladeenna, gaarsiinta si hufan oo waqtigeeda ah ee agabka caafimaad ee lagama maarmaanka u ah xarumahayaga, kordhinta tirada iyo tayada shaqaalaha caafimaadka, iyo ballaarinta caymiska caafimaadka si loo hubiyo in muwaadin kasta oo Kenyan ah uu helo ilaalin”.

Madaxweynaha Kenya iyo wafdi uu hoggaaminayo aya aku sugan haatan dalka Mareykanka iyagoo xalay la kulmay madaxweynaha Mareykanka iyo xubno kale oo xoghayaha arrimaha dibaddu uu ka mid yahay.Maraykanka ayaa Kenya ku taageeraya lacag dhan 1.6 bilyan oo doolar shanta sano ee soo socota.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker