War cusub oo ka soo kordhay kiiska Haashim oo loo haysto gabdho Soomaali ah oo lagu dilay Nairobi

Waxaa maalintii shalay ahayd ka bilowday Maxkamad ku taalla magaalada Niarobi dhageysiga kiiska Haashim Dagane oo ah nin Soomaali ah isla markaana lagu eedeyay in uu si xun ugu dilay afar dumar ah xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Warkaan waxaa baahiyay wargeyska ka soo baxa dalka Kenya ee Daily Nation.Maxkamadda ayaa lagu soo bandigay muuqaallo muujinaya afduub inta aan la dilin dumarkaas.

Sarkaal ka tirsan waaxda dembi baarista Kenya ee DCI ayaa maxkamadda ku soo bandhigay muuqaallo ay duubtay kaamirada CCTV-ga.

Dilalka haweenka loo haysto ninkaan waxaa ka mid ah saddax dumar ahaa oo la dilay bishii Oktoobar ee sanadkii 2024-kii kuwaas oo ahaa hal qoys. Dahabo Daa’uud Siciid, Aamina Cabdirashiid iyo Muuseiba Cabdi Maxamuud oo 12 jir aheyd.

Mid ka mid ah haweenka oo aheyd hooyada qoyska ayaa maydkeeda laga helay magaalada Machakos oo caasimadda Nairobi u jirta 61 kilo mitir, sida ay sheegeen qoyskeeda.

Gabadha afaraad ayaa lagu magacaabi jiray Deeqa Cabdinuur, taas oo iyana ka mid ah kiisaska loo haysto Haashim

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker